VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Adaa sharaftayda dhowra - Lyrics

adaa sharaftayda dhawra waliba ixtiraam i siiya aadmiga iga wada xaqdhawra muuqaaga anaa jeclaysta oo ku raystay ag joogistaada oo anaa erayada macaanee afkaaga kasoo baxaaya ku dhaya uurkiyo quluubta waxaad tahay aragsan nuura asturan dhaqan iyo xishood leh asaageed ugu horaysa amaantana aan cidi ku haysan ahaatoo noo ahaatay sidaan rabnay noo ahaatay RABINA aqbalyoo ahaatay inaan qoys wada yagleelnoo marwada qudha ii ahaatoo ahaatoo noo ahaatay inaga way inoo ahaatay adaa iimaan samaanta waliba asal dhalad wanaaga midhkaa u lahaa saraynta adaa daadihaya ruuxda oo dhamaan unugyada jidhkayga oo adaa ku aloosay xiisa oo dareen ku asteeyay laabta dunida ii wada iftiimshay
Queue is empty
-- / --