Huuwaaya huuwa
Hooyo qaali ma joogto
Dalkiyo xamar aaday
Dalxiis u joogto
Daawanaysa buuro
Doogiyo ubaxii
Huuwaaya huuwa huuwaaya huuwa
Dalku waa barwaaqo
Cimilo diiran weeyi
Huuwaaya huuwa huuwaaya huuwa
Jigjigayar weeyi jawi degan weeyi
Dalkiibay jeclaatay
Huuwaaya huuwa huuwaaya huuwa
Jabuutibay u dhooftay
Bada xeeligeeda
Xeebtay u xiistay
Xasuusbay u qaaday
Huuwaaya huuwa huuwaaya huuwa
Gaarisa yar aaday
Geel dhalay ku maashay
Gacalikiibay aaday
Gayigeena weynbay
Kolba gees ka aaday
Huuwaaya huuwa huuwaaya huuwa
Hargaysay u dhooftay
Haleelada ku maashay
Waa hodan dhulkeenu
Haybadeedii weeyi
Huuwaaya huuwa huuwaaya huuwa

Exit mobile version