inuu caashaq jeel yahay
jirab iyo kadeeed yahay
jahanama la shiday iyo
laga joogin karin yahay
ka jawaabay aniguye
maxaa loola jeedaa
m jaboo ha dhiman baa
ma aakhiro u jiidaa
ma janadii fardawsoo
jidkeedii la helaybaa
maxaa loola jeedaa

inuu caashaq jamashiyo
jacayl iyo wanaag yahay
jawharad hilaacdoo
indha jiidanaya yahay
ka jawaabay aniguye
maxaa loola jeedaa
ma jaboo ha dhiman baa
ma aakhiro u jiidaa
ma janadii fardawsoo
jidkeedii la helaybaa
maxaa loola jeeda

Exit mobile version