Haduu roobku di,in
Dauurtuna hilaacin
Diraacdana la waayo
Doogu bixi maayo
2x

Hadaan ana deeqow
Daqiiqad ku waayo
Dareenka jacaylka
Dartii la ilmeeyaa
4x

Dareenka culaayoo
Deeqaay qalbigayga
Dartaa u haraadan
Diktoor dhayi waayee
Deeqaay kaalay i baano

Dareenka culaayoo
Deeqoow qalbigayga
Dartaa u haraadan
Diktoor dhayi waayee
Deeqoow kaalay i baano

Cadceeda dabkeega
Haduu dayuxu waayo
Dhulkuna dam yidhaahdo
Dadkaa ka halaabi dawga
2x

Dulqaad samo qaali
Hadaanan ku daawan
Indhuhu kugu doogsan
Naftaa dagi weyda
4x

Dareenka culaayoo
Deeqaay qalbigayga
Dartaa u haraadan
Diktoor dhayi waayee
Deeqaay kaalay i baano

Dareenka culaayoo
Deeqoow qalbigayga
Dartaa u haraadan
Diktoor dhayi waayee
Deeqoow kaalay i baano

Exit mobile version