taswiirtiisa qalbiga
ku taal yarka aan taboo
waxaan ku tamaniyaa
kiiyoo suudh tayle xidhan
ana aan taash watoo
aroos noo taaba galay

anoo talo la ii gogloo
farxadi noo talaalantay
ayaan toosaa arkaa
anoo tub cidlo ah hurdo
riyadu way iga tagtaa

cakuye taasoo runaan
ku rayn lahaabay ridhaa

naftan uu caashaqu ku taray
humaagbay tooyataaye
maxaa loo tari karaa

tabaalaha caashaqiyo
tawaawaca kama ilbaxo
indhaha tibiqlayntiyo
ilmadaan ka tiraa intaa
tusaalana iima noqon
tabtuu cashaqu i baday

tiirka caashaqeen dhidbiyo
riyadu ima kaafinine
nasiibkaan taabayoow
sibaan kuu tuhunsanee
hadmaad i tabaabushayn

Exit mobile version