xanuunkan dadkii dhameeyay
dhamaan kawnkii ku faafay
dhibaatada geystay maanta
dhakhaartii ku daashey
dhalaanka gebi cabsooday
dhufayska guryo lamooday
dhimashada tirada beeshay
si aan dhami uga baadno
dhaqa gacmaha maydha
ku dhaqma awaamiirta
dhakhaatiirtu ina siiyey
allahyna dhowree
dhamaantiin cibaadeysta
dadkii kala dhuumayoo
dhayal layskuma salaamoo
oo layskuma soo dhawaadee
kala dheeraada weeyoo
dunidu waa dhabane haysoo
coronaha dhibaatadiisa
waaxyeelada dhaawiciisa
si aan dhami uga bad baadno
dhaqa oo gacmaha maydha
ku dhaqma awaamiirta
dhakaatiirtu ina siisey
alle hayna dhowree
dhamaantiin cibaadeysta

Exit mobile version