qosolka dhoosha iyo jaaha
jawaabtiyo weedh habeeb leh
xaalada jawi ee ku laaban
nasteexa ku horseedee
jiroo joogine jamaal dheer
naf jeelani waa kadeede
jacaylku markuu hagaagaye
kalgacalku laba jibaarey
judhii farax uu abuuraye
jinkiyo insigaa hinaase
jaldheer hadalkeedu raaxo
quruxda joogedu heego
indhaha jadan qaab ku dheero
qofkii mar jaleecay daawo
ma jiro ruux lagu masaalo

jidkii caashaqu nasteexoy
wuxuu jilay xiiso dheere
adoo la jira dhigiisa
markuu kula jiibinaayo
isaga helay jawharadu raac
jacaylkiyo xiisihiina
had iyo jeer wada jirkiina
ciyaartiyo jayda dheesha
ma joojiyo ruux hawaystee
askari jiifo namiima

Exit mobile version