Sida ubax Gu doogsaday
Ama kayn ugbaad loo
Afka saarin xooluhu
Adiga oo aan ii iman
Urta caafimaadka leh
Kolay adiga inaad tahay
Saw udgoonkii maan garan

Ma ogtahay jacaylkuna
Eebaduu siduu halis
Wadnaha kaala eegtaa
Ana awal wax ii taray

Ambabaxaye socodkaa
Inaan eebe igu qadin
Adiguna dheh aamiin
Axdigana ha fududayn

Sida oogta waabari
Ama maalin iidoo
Ku tukadeen islaamkii
Aniga oo aan ku arkayn
Anba saw iftiinkii
Kolay adiga inaa tahay
Kama garan ilayskii

Ma ogtahay jacaylkuna
Sida umalka beerkiyo
Uurka iig reentaan
Ana kuugu ololaa

Kol hadaadan oolayn
Inaan eebe kugu qadin
Aamiina kuu idhi
Axdigana ha fududayn

Sida mayay arooryaad
Ama ilo biyo lahoo
Onkod iyo hilaac maray
Adigoon aan ii iman
Saw udgoonka fooraha
Kolay adiga inaa tahay
Oogada kamaan garan

Ma ogtahay jacaylkuna
Indhahaaga oo shana
Sidaad iigu oydaad
Ana kuu ilmeeyaa

Ambabaxaye socodkaa
Inaan eebe igu qadin
Adiguna dheh aamiin
Axdigana ha fududayn

Sida igan barwaaqa ah
Ama ugub caleen loo
Dharagtey ugaadhuna
Anba saw af iyo layl
Iimaanka waxa suga
Kolay adiga inaa tahay
Kama garanin ulashada

Ma ogtahay jacaykuna
Siduu kuu abaaroo
Olol kaaga shiday buu
Ana ii asqaayee

Kol hadaadan oolayn
Inaan eebe kugu qadin
Aamiina kuu idhi
Axdigana ha fududayn

Exit mobile version