VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ambabaxay cover - Lyrics

Sida ubax Gu doogsaday Ama kayn ugbaad loo Afka saarin xooluhu Adiga oo aan ii iman Urta caafimaadka leh Kolay adiga inaad tahay Saw udgoonkii maan garan Ma ogtahay jacaylkuna Eebaduu siduu halis Wadnaha kaala eegtaa Ana awal wax ii taray Ambabaxaye socodkaa Inaan eebe igu qadin Adiguna dheh aamiin Axdigana ha fududayn Sida oogta waabari Ama maalin iidoo Ku tukadeen islaamkii Aniga oo aan ku arkayn Anba saw iftiinkii Kolay adiga inaa tahay Kama garan ilayskii Ma ogtahay jacaylkuna Sida umalka beerkiyo Uurka iig reentaan Ana kuugu ololaa Kol hadaadan oolayn Inaan eebe kugu qadin Aamiina kuu idhi Axdigana ha fududayn Sida mayay arooryaad Ama ilo biyo lahoo Onkod iyo hilaac maray Adigoon aan ii iman Saw udgoonka fooraha Kolay adiga inaa tahay Oogada kamaan garan Ma ogtahay jacaylkuna Indhahaaga oo shana Sidaad iigu oydaad Ana kuu ilmeeyaa Ambabaxaye socodkaa Inaan eebe igu qadin Adiguna dheh aamiin Axdigana ha fududayn Sida igan barwaaqa ah Ama ugub caleen loo Dharagtey ugaadhuna Anba saw af iyo layl Iimaanka waxa suga Kolay adiga inaa tahay Kama garanin ulashada Ma ogtahay jacaykuna Siduu kuu abaaroo Olol kaaga shiday buu Ana ii asqaayee Kol hadaadan oolayn Inaan eebe kugu qadin Aamiina kuu idhi Axdigana ha fududayn
Queue is empty
-- / --