Soo guuree Gaabooy
goobtaan imaaweee
Gacalkaagaa igalee
Ma iga go’ayee
God intii layga geeyee

Adigoo gadigood jirtidee
Ayaan gadigoo kale joogee
Godka goon ku jiree
Minaas na dhaxyaalo
Waxaan ahay kii gudbee

Soo guuree Gaabooy
goobtaan imaaweee
Gacalkaagaa igalee
Ma iga go’ayee
God intii layga geeyee

Gibilkayga manaa La gooygooyee
Gabalkii hero kuu gabyaayee

Soo guuree Gaabooy
goobtaan imaaweee
Gacalkaagaa igalee
Ma iga go’ayee
God intii layga geeyee

Guurkayna kuwii kala geeyay
Gardaraay nagu soo galeenee
Guulaan naga gaarayaa
Garwaaqsaneenaa
gacalkayna Kusoo gunaanudayee
Gabalkoo dhacin goorta goor tahay
Soo guuree
Ganiyoo goobtaan imaawee
Gacalkaagaa igalee
Ma iga go’ayee
God intii layga geeyee

Exit mobile version