VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta calaf Remix - Lyrics

Ixtiraamkaad igu leedahay
Abidkii ma duuguubo
Oo ilayska sharaftaadu
Agtayda ka dami maayo

Amaantaada mooyaane
Ma ogolina eedaada
Waxaan uurka kaaleeyay
U saree asaagaaga

Calafka ilaadayna
Waa iska amar illaahaye
Ila nool xasuustaadu
Ani madaxa ii saarnid

Farxadaada mooyaane
Waliga ha urugoonin
Inyar iyo in badan toona
Dhib ha arag aduun maalin

Abidkay wanaagaagii
Waanu iga dhamaanayne
Waxa tahay qof insaana
Iyo ehel karaamaysan

Calafka ilaadayna
Waa iska amar illaahaye
Ila nool xasuustaadu
Ani madaxa ii saarnid

Queue is empty
-- / --