VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Calaf - Lyrics

Ixtiraamkaad igu leedahay Abidkii ma duuguubo Oo ilayska sharaftaadu Agtayda ka dami maayo Amaantaada mooyaane Ma ogolina eedaada Waxaan uurka kaaleeyay U saree asaagaaga Calafka ilaadayna Waa iska amar illaahaye Ila nool xasuustaadu Ani madaxa ii saarnid Farxadaada mooyaane Waliga ha urugoonin Inyar iyo in badan toona Dhib ha arag aduun maalin Abidkay wanaagaagii Waanu iga dhamaanayne Waxa tahay qof insaana Iyo ehel karaamaysan Calafka ilaadayna Waa iska amar illaahaye Ila nool xasuustaadu Ani madaxa ii saarnid
Queue is empty
-- / --