wacaneey aduunyada
intaan waligeey noolahay
waxaan aan i daynayn
wada dhalashadeeniyo
waaceensigaagii
hadaad waaxyahaygiyo
wadnahayga jeex tahay
anigoon warkaa hayn
dhiigaa kaala weheshada
maxa tagista wayda ah
walbahaarka kugu diray
dad jacayl wadaagoo
waji kala sugaayiyo
walaalaha is doortaa
ma wiiqaan kalgacalkee
yeey wadhidu raacday laadeena
wacadqabaha keene waxsaarka leh
ku waayoo iwaydaye
mee wada jirkeenee

wacaneey halbawlaha
sambabada waraabshaa
walbahaarku beerkuu
waayo arag hadaan ahay
waantoobi maayee
hadaad walacsi laafyaha
waydaaro leedahay
kaa daba waraaqoo
waheey waan ku sugaye
intay wacashadaa tahay
kala waabadkuna jiro
dad jacayl wadaagoo
waji kala sugaayiyo
walalaha is doortaa
ma wiiqaan kalgacalkee
yay wadhidu raacday
labadeena wacad qaba
keene waxssaarka leh
ku waayoo i waydee
mee wadajirkeenee

Exit mobile version