Kalgacaylku waa qani
caashaqa ka qaran weyn
quruxiyo wanaag badan
waana shay ku qaaliya
qiimeynta aadmiga
labada isla qadaan
qalbigooda kama go’e
waxan igaba kaa qaban
kuu quudhi maayee
qumanoow u jeedada
waanada adoon qubin
soo dhawayn qalbi furan
oon qoonsimaad lahayn
geestaada ila qabo.

Saalax qaasim

allow yaa habeen qudha
uurkeyga qala oo
qudha uun la iga jarin
quuruumaha ku loolama
ku yidhaa garta u qaad
taladaan qandhoodee
aan qawda ku hayaa
qotodeedu dheeraa
iinsha alaahu waan qaban
qalanjooy inanadee
hadii la isku keen qorey
oo aan qof isku leenahay
waan isla qosli doonaa
adna taa qiraha gali

hibo mohamed

baribaa nin qaaliya
qom uu la noolaa
qawlka uu yidhaahdaba
hadii uu quraanyahay
ay ka qaadan waayeen
kol adoon I qadinayn
quluubtu way ku raacdee
nafta aan qaboojee
hadal quruxsan ii sheeg
quumanow u jeedada
waanada adoon qubin
soo dhawayn qalbi furan
oon qoonsimaad lahayn
geestaad ila qabo.

Saalax qaasim

aduunyada qorshaa jira
iyo qaabab waaweyn
qarar oodan baa badan
qaxar iyo dhibaatana
intaa way is dhex qaadaan
qandoodee sheekada
waan qaadi doonaa
qarqarsiga ku jiidoo
hawlaha ma qabanaa
qalanjooy inanadee
hadii la isku keen qorey
oo aan qof isku leenahay
waan isla qosli doonaa
adna taa qiraha gali

Exit mobile version