VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Baxsaney hargeysaay mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Saalax Qaasim Naaji
Baxsaney hargeysaay

Burdaan dharab ku meydhaay
bidhaansiga kalgaclkaay
xaramkii bar-baartaay
beertii xoriyadaay
bara caafimaadiyo
guri laysku baantaay
baxsaney hargeysaay
kaa gudoomey baaqee

cabdow baahilaawow
salaan baaxad weynoo
kaaga timid badweyniyo
xeebihii baanaadir
waa bariidadeydee
nabad beegsigiiyo

inkastooy bagaagiyo 
samir buuxahaygii
bilawgii horeytaba
boogihii damqanayiyo
bugtadii wareemeen

hubsiinadaan heenseestiyo
baantii aan heleybaa
kaa dhaaftey baashee
miyaan kuu bilaabaa
burdahiyo jawaabtii
kaa baahi bixiyaa

eebooyin badantii
bilaawiyo halgaadii
wixii dhib isoo marey
marna biixi kama jabin
bawdadda habaasiyo
wali boodh kamaan tumin

xaalina sidii bey
baxsanaanta muuqiyo
bidhaanteedu wacan tahey
sad bursiimo eediyo
markii aan burqadey iyo
baayuhu mahayne

wadna bihinbihaayoo
ciil barooranaayoo
baafinaaya ruux maqan
bo’ayahay baroortii
korka oogadeydiyo
bidixdeyda kumayaal

gabadhaa badweyntii
bari carab u dhooftaa
ma baxnaaninaayee
xagee bey iga xigtaa

hablihii bahdeenee 
iimaanku buuxaa
bilic igu majeertoo
boqolaal suleekhaan
la wadaagey barashaan
boohdaan jaceyliyo
bidix ii garaacoo
xiliyada firaaqada leh
burcad igu subkaayee

barni iyo siraadiyo
basra ina suldaanbaan
baarka ii fidhaayoo
barkanahey dhabtoodoo
barkhadiyo naruuraan
samo ugu bariistaa
waan baryaa hurdada nabad

Codsi by Tageerada Maalmo

codkii Saalax Qaasim Naaji