Heesta Dhadhabayaa - Lyrics
Sida dhool guyoo da’ay
Dhirtu ubaxa bixisoo
Dhulku wada dhalaaloo
Xooluhu dhaleenoo
X2
Dhayda iyo subaggii
Dhitadii u taaloo
Dhallinyaradu joogtoo
X2
Dhaantada ciyaaraha
Dhamaan laysla tumayo
Ayaad iiga dhigantoo
Laabta kula dhacaysee
Dharaartii la joogaba
Waan kugu dhadhabaya
Hayga dheeraan dhabta
I saar x2
Dhirta oo magooshiyo
Ciidoo dhibic ku hoortoo
Dhammaan rayskii soo
Baxay oodhebiga laamuhu
X2
Dhinacyadu u liiceen
Shimbiruhu dhawaaqiyo
Qayladu is dhaafshaan
Nimcadaa dhitowdoo
dhammi loo han weyn
Yahay ayaad iiga dhigan
Too laabtaa kula dhacayso
X2
Dharaartii la joogaba
Waan kugu dhadhabayaa
Hayga dheeraan dhinaca
Isaar x2
Dhan kastaba adunyada
Waxa laysku dhaafaa
Ama lagu dhaqmaayaa
Lagu dhalaa carruuraha
X2
Dhismaha caashaq
Weeyaan anigana dhib
Kaygiyo dhiiladan ihaysaa
X2
Dhabtii waxan tirsanayaa
Waa adi dhankaagee amba
Kuguma dhaafeen haday
Dhaawacaa tee x2
Dharaartii la joogaba
Waan kugu dhadhabayaa
Hayga dheeraan dhabta
Isaar x2
Beerkey dhambalanoo
Dhuuxaygaa shubmaya
Oo dhiiggay qulqulayoo
Dhibtu maaha kelidaa
X2
Waase lagula dhinacyaal
Dhabbadaan maraayiyo
Kolka aan dhaqaaq tego
Dhammi waaxyahaygiyo
Dhimirkaygu adiguu
Dhabtii kula hayaayoo
Dheellalowga ugu wacan
X2
Dharaartii la joogaba
Waan kugu dhadhabayaa
Hayga dheeraan dhabarka
Isaar hayga dheeraan
Dhabta isaar x2