edabtiyo xishoodkaan iin lahayd
anshaxaaga gobanimo ku abtirsada
waxaan u gaarta dhigay uur ku jecel
naxariista eeg mada lagu abshiro
erayada sidaan ogahay ii anfacay
ubucdiyo wadnihii dhay oomana
muu iman aduunkoo maan ku arag
midaan weli asaga ku ag dhigaa
inanyahow udgoonkiyo uduga badan
udugyahow udgoonkiyo uduga badan
nasabyahow dhulkoo idil loo ifshaa
amaantaadu waa midaan iga idlaan
agtayday naftaydino ku aamina tahay
dareen iga awood badan bay amroo
odhaahdiyo codkaagan ulanayaa
igu adag ayaamahaad aamustaa

Exit mobile version