Dumarkuba saluugiyo
Subaxdaad is barataan
Sahwiga wey iska leeyihiin
2x

Hadii aan u qabay sidan
Jacayl seefa inuu yahay
Waaban kugu sad guri lahaa
2x

Waxa soo sokaba maray
Sulaaxa jaadii yahay
Samaheenan maantee
Naxliga iska saaroo
2x

Sida sayniska aan wadaa
Raga dayaxa sahansadey
Sirta dumarka adoon galin
Samir yiila ogoow
2x

Iminkana sidaan qabo
Hadii eebe igu simo
Waxaan sugo wax ii sada
Saadaladaan qabo
Si kastaba aduu wacan
2x

Sarsarada wadnaha iyo
Surimadiisa dhiigiyo
Saableyda feedhaha
2x

Seediyo laf caashaqu
Ama sariyo hoos idil
Waaka sudhan naftaydee
2x

Ma sahlana hubsiimee
Cidna hadaanan kula simin
Oonan laba sad noqo odhan
Naxliga iska saaroo
2x

Sida sayniska aan wadaa
Raga dayaxa sahansadey
Sirta dumarka adoon galin
Samir yiila ogoow
2x

Iminkana sidaan qabo
Hadii eebe igu simo
Waxaan sugo wax ii sada
Saadaladaan qabo
Si kastaba aduu wacan
2x

Exit mobile version