waa dareen uguboo igu beermay
waa jacayl ka abuurmay aragaaga
afka kaa odhan waayay eray kooban

ambadoo aawadaa oontii diiday
adigoo inyar dooran olol reemay
uurkiyo qalbiga ka ilmeeyay

aduunkoo dhan ha ogaado
amakaag dartii ha la yaabo
ictiraaf jacaylkayga u baahan

waan ku aaminayoo ku ishaartay
ifkiyo kuu jeclaaday arladoo dhan
anigoo aamusay kaa ahaan waayay

itaalkii awoodii la wareegtay
unugyada dhiigaad dhex aroortay
arimidaa xubiga ax la taahay

aduunkoo dhan ha ogaado
amakaag dartii hala yaabo
ictiraaf jacaylkayga u baahan

Exit mobile version