hadunban nolol saneystay
hadaan naxariis dareemay
dhib iyo naxdin waan is daynay
naruuraan dareemay yaab leh
nashaad faraxlaa isaaqay
naftaa jewi wacan dareentay
qofkaygii intaan naqaystay
jacaylba hadaan la noolay
nolosha heerbaan ka gaadhay
nasiibakaygaa shaqeeyay
haduun baan yara nastee
ducaan helay iga maqnayd
haduun baan yara nagaaday
haduu naqu ii hilaacay
nitaaqo iyo murug ka raystay
neecaw baan helay qabow leh
najaxay guul baan haleellay
nayaayirow baan dareemay
sidaan nafta ula wadaagay
qofbaa farxad igu nageeyay

Exit mobile version