dareenka jacayladeenu
haduu dagay laabaheena
sinaanoo waan is deeqnay
dadaalkeenuna mid weeyaan

markaad ii dabacsanaatay
ayaan ana kuu dirnaaday
markaan fahmay daacadaada
ayaan xoog kuu dareemay

haduu dakhar hore ku yeelay
dadkaba ruux kaaga soocan
anaa ku dawaysanaaya
samiiraay kaa dhayaayana
dhayaayana dakharadaada

damaca noloshiyo sadkeena
haduu yahay dalabyadeena
xaqiiqoo aan kol doonay
nasiibkeenuna dul weeyi

waxaan diiftii ka raysatay
kolkaan darmo kula wadaagay
markaan dumar kaa dhex soocday
ayaad doojisay hankayga

Exit mobile version