sidii ubad kuu xanaanshay
sidii waalid kuu adeecay
sidii boqor kuu amaanay
markuu saxar galo ishaada
ugbaad ilmeeyay adoon dareemin
aduunyada meel la joogo
agtaada ugu wanaagsan
markuu saxar galo ishaada
ilmeeya adoon dareemin
markaan aragaaga waayo
ololay sida aarka reemay
uurkaan kugu qoray bogayga
dhamaan ililaha jidhkayga
kuu siiyay naftayda lahasho
sida ubax dharab ku yaala
adaa saxan saxo udgoon
sidii kaymo wada ugbaada
ku doogsaday aragtidaada
dhaaya ku arkaa nasiib le
amintaan ku bartaan xasuusta
sidii awliyada raxamaanka
eraygaad i tidhaa dhagaystay