Heesta Furaha qalbiga - Lyrics
Inta quman baad u qaalisantahoo adaa qandaraas ku qaatay boggoo wadnaha qufushoo furaha qarsaday 2xx
Dawooy quruxdaadu hadda waa qaniyoo hortaa qalbigayga masiin qofkaloo dareen uma qaadin qofaan adi ahayn
Adaa qurqursiiyay qasharka xubigoo sidii qaran jira qofnimo udhashee hadmaad ila qorin qisooyin jacayl
Hablaha qarnigaad quraysh utahoo suunnaha qoraniyo indhaha qalinka leh qacdaan arkay sow sow xiisuhu ima qaadin 2xx
Waxaan kuu qabo ma qeexi karoo
Oo yaa yaa deeqsan
Haddaan qeexana ma qarin karayoo
Oo yaa yaa deeqsan
Markaad qosashaba meel baa i qabowda
Oo yaa yaa yaa deeqsan 2xxx
Waxaan kuu qabo ma qeexi karoo
Oo yaa yaa qamar
Haddaan qeexana ma qarin karayoo
Oo yaa yaa wardii
Markaad qosashaba meel baa i qabowda
Oo yaa yaa yaa wardii 2xxx