miirkiyo xiskaygiyo
maanka taliyihiisaay
maaree naftaydani
adigay ku muhatee

meel bugtaan ku dhayayaa
ha igala masuugine
maruin waxaa tidhaahdaa
maxamed waan ku jecelahay

inanyahay marlay dumar
marna kulama aan simin
arin murugo reebtiyo
milgo xumo kumaan badin

waxay laabtu muhatoo
midigtaydu gaadhana
inaanaan ku odhan maya
adigay markhaatiya

Exit mobile version