ciisiyo jacayl igu baahay
wadnahiyo haleelay bogaygo
bukto iyo xanuun igu reebay

boholyowga caashaqu keeno
baahidiisa sidan uga raysto
wal dheerta badidiisa

bal inan nus uun ku bogsoodo
bilicddeda wa tabayaaye
barbara iyo hargeysa i geeya
farxadii garoowe i geeya
qorxay bankeeda i geeya
beerihii wajaale i geeya
balad xaawo raaso i geeya
xamar iyo baraawe i geeya
gobolkaa banaadir i geeya

kalgacaylkan beerka i qaaday
caashaqan midii igu beertay
bilistaba yartaan ka ishaartay

inantaan darteed u baxdowey
jigjigaan ka baafinayaaye
buurihii sanaag bal i geeya

bal inan nus uun ku bogsoodo
bilicddeda wa tabayaaye
barbara iyo hargeysa i geeya
farxadii garoowe i geeya
qorxay bankeeda i geeya
beerihii wajaale i geeya
balad xaawo raaso i geeya
xamar iyo baraawe i geeya
gobolkaa banaadir i geeya

Exit mobile version