VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hooyo - Lyrics

“Hooyo Kama daashid hooyooy Hawl qabashadeenoo Noo heegan baad tahay masuul.com Intaa noo hinqanayoo Noo hura nafteedoo Halistiyo dhibaatada Ayaad naga horjoogtaa Waad himila wacantoo Waxaad noo haminaysaa Waa horumarkeenee Ilaah hodon hakaa dhigo Haddimada hakaa duwo Hoygaa jannada noqoy. Hooyooy xannaanada Haggarli’i waxqabashada Tii loo hibeeyoo Hidda abab u yeeshaay Ma huraan ayaad tahay. Noolohoo haraad qaba Muddo roobkii aan helin Habsadeen abaaruhu Oo baad la haynoo Maatadii hareenoo Gooray habeentahay masuul.com Dhool soo hilaacoo Loo wadda hamoodoo Hawadii udgoonkiyo Saxan saxadu haadoo Dhibcihiisii hoorshaa Hooyooy sidiisaa Uunku kuu hilloobaa.
Queue is empty
-- / --