hadalkii duulaan khadar haliilane
ha hiigsan maanta waxii horeetee
haatan iyo dan ila heshii
hadal macaaneey hanaan wanageey
ila heshii oo ila heshii

wixii haboonbaa maruun halaaboo
duni hagaagsan la heli maayee

adigoon i hiifin ina huruufin
u hubso maanta dhibta i haysoo

waxaa hubaala oonad huraynin
hadii aad nabada hog dheer ku tuurto
nafsii habeen dhaxayd inaad helaysee

hohiyo caku hadhka aduunka
anigoo hagaagsan ii kaa hanuunshee

haween dhamaantood u hub wanaageey
haba yaraatee waan kaa helaayee

Exit mobile version