inanyahay hanaankiyo
haybada u dhalatee
sida taa hubka is wada
hadii aad wakhti ii helayso
anigu hambalyaan wadaa
hawraarsan hadaad i leedahay
hadaanba kuu bilaabayaa

inantaa is baranee
inta balabalaysoo
nalka iga bakhtiisaa
taan badanka laabtiyo
ka jeclaaday beerkee
halista uga baaqaay
yartii baladka khayrkiyo
barwaaqda ku dhalatee
nimco lagu barbaarshaay
bada kuwa ku nooliyo
barta hawd banaan jira
waxay kaaga baydheen
ama bilista dheertahay
boqorkii haweenkaay
bilicdiyo xishoodkee

bal qabsoo bureeqaay
sambabada balbalayiyo
dabka baxay adaa shiday
oon iga bakhtiine
mar hadaan bastay ahay
baahina aan kuu qabo
xiliguna ikaa baday
barta nabarka dhaawaca
intaan boogtu sii fidin
adaa bi,in karaayee
wadna bihinbihaygiyo
beer laxawsigaygiyo
adigoo aan baal marin
burjigaaga igu dhawr

Exit mobile version