ilayn naf wax jeceli waligeed
ogoow way u nugushahay ruuxii

niyadu ay ka ogolaatee
anoo naawila kalgacalka

nimcooy aragaaga qudhi
indhaha nuurbuu u yahay
jidhkana nafaquu u yahay
qalbiga neecow qabow
naqiyo meel doog ka baxay
nagaadi dhabuu u yahay

ilayn qalbi nugul jacayl galay
wuxuu naawilaayaa
adigaa oo naruuriyo
naxariis u sheegee

Exit mobile version