VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Buurbaa Omar dhuule cover - Lyrics

Siduu ii barkaday
hurdo kaama bogtoo.
i bariisayoo.
waygu baahaayee...2

adaan kuu bukaaa.
ma i bogsiin kartaaa...2

Buur baa kugu gudbanee..
miyaad sooo bixi kartaa...2

Dhulkaa igu balaadhee
Baryo kaamo raaginee 
Dhulkaa igu balaadhee
Ma baxnaaninaysaa

Bohalaha xargagan
Ee laga boqoo
Anigaba baxasanee
bartanka ii dhigeen 

birbaa igu jabsane 
miyaan wali bogsaday

Buur baa kugu gudbanee..
miyaad sooo bixi kartaa...2

Dhulkaa igu balaadhee
Baryo kaamo raaginee 
Dhulkaa igu balaadhee
Ma baxnaaninaysaa.  2

Nabsi igu bataa
buul igaa dhistooo
siduu yahay birdana
bahdii iga jareee...2

intaan lay bud dhigin
ma i bogsiin kartaa..2

Buur baaa kugu gudbane
miyaad sooo bixi kartaa..2

Dhulkaa igu balaadhee
Baryo kaamo raaginee 
Dhulkaa igu balaadhee
Ma baxnaaninaysaa.  2

Boqoshada kal gacal
badh baa iga hadheee
iguu boob markaan.
bidhaantaa arkoo...2

Yaan badin warkee
maxaa inoo balanaa..2

Buur baaa kugu gudbane
miyaad sooo bixi kartaa..2

Dhulkaa igu balaadhee
Baryo kaamo raaginee 
Dhulkaa igu balaadhee
Ma baxnaaninaysaa.  2
Queue is empty
-- / --