Bashar weeye akhlaaqda
Ku barbaartay edebta
Ilays weeye asluubta
Loo bogaayo xishoodka
Gaari weeye nogaylka
Balanteeda adkaysa

Qaabka loo biley
Muuqa bilicdaada layaabka
Fadxiya boqorkeenu qurux
Boosku ku siiyay
Uu bogaatay insaanka badi
Uunka uunka ku nooli

Barakee ilaahay cimrigaaga badiyoo
Caafimaad ku daaba,a boqorkeen ku siiyoo
Baadidood adoomaha xubi kuugu beeryoo
Rabigeen barwaaqiyo kugu soor badhaadhaha

Fardawysaay hooyo beerka
Wadnahaaga bogiisa
Gabadhuu boqor uurka
Ku dhex beeray naftaada
Adigaa tacabuura
Bilcantaada dul saaray

Adna aabo badhkaaga
Inuu qoysku badhaadho
Bacadkaad soconaysay
Barfkaad u maraysay
Intaan noolahay baabadaayoo
Uunka uunka abaalkaa

Barakee ilaahay cimrigaaga badiyoo
Caafimaad ku daaba,a boqorkeen ku siiyoo
Baadidood adoomaha xubi kuugu beeryoo
Rabigeen barwaaqiyo kugu soor badhaadhaha

Exit mobile version