qalbi tuu xushay
may noqon xilkas
intay xaqirtay bay
xidhiidhkii qubtee

xiliyadii wacnaa
iyadoon xifdiyin
meel lagu xasdiyo
xiqdibay badee

anoo xeerbeegt
xaqiisii saydhisee
god xabaala iyo
xuur baa liqdee

qalbi tuu xushay
may noqon xilkas
intay xaqirtay bay
xidhiidhkii qubtee

taxanaha xubigu
xeerkuu lahaa
intay wada xidhay
xujo dalabtaye

xoogii cishqigee
xurmo badan u qabay
meel loo xurmiyo
way xaraashtaye

anoo xiiqayoo
xanaanaynayee
hadal xanaf lihiyo
is xanaajisee

hadii ay xasishayoo
jacayl xoojin lahayd
meel lagu xusayo
xajka gayn lahaa

taxanaha xubigu
xeerkuu lahaa
intay wada xidhay
xujo dalabtaye

Exit mobile version