nugaal anigoon jiraan
nuurkii soomaali wayn
banaadir ka naawilaa
naruuradaa taal bakol
inaan ku nastaan dayaa
hiiraan niyadaa rabtoo
naftaa u huraa togdheer
nudaan ku hayaa goldogob
dalkoo nabadaan jeclahay
dadkoo nagibaan sugaa
soomaailda noogtayoo
nidaam heshaybaan rabaa

naqaa sool iyo sanaag
ayaan ku neecawsadaa
hargeysaan naf daadiyaa
nalkaan u shidaa gedo
jubaan naashnaashayaa
booraman wali naadiyaa
kuunool iyo mudug ayaan
nacabkaa ka ilaaliyaa
dalkoo nabadaan jeclahay
dadkoo nagibaan sugaa
soomaalidaa noogtayoo
nidaam heshaybaan rabaa

Exit mobile version