dareemayee inaan ku waayee
maqnaantaadaan daciifay
waxaan tabay daacadaada
dadaalkaaga iyo xiise

ku daalay xasuusahaaga
dabuubtaadi u baaday
markii hore muu darnayne
dibaan kaasoo jeclaaday

qalbiga wehelkaada doona
miyaad durkisoo cidlaysay
farxadii dunidaad ahayde
miyaad noloshayda daysay

duruufbaad ku gudbanayde
kashaad dajinaysay ciilan
hankaad korinaysay daadah
ahay waan diiqadooday

dabiibkaygaad ahayde
lasoo noqo daawadayda
diirkii nacabkaad ahayde
usoo dabac xaaladayda

Exit mobile version