qaabkuu rabi kugu dhigan
suugan lagugu qeexi karin
haween qaryadba u tahay
hablana qalanjaad u tahay
xornimo qaniba ku tahay

anaa xala diinta iyo
qiyaama rabi kuu dhashiyo
qawlkiyo ficilkaa sugtaa
qayrkaa kaga soocan tahoo
adaa qalbigii qabsaday

wanaagu hadaa qof yahay
qudhaadu noqon lahaa
weynaa isku keen qore
nolosha dhinaacaga qabo

nuurkiyo qoraxdii iftee
falaadhah dayrisaay
haday ku marqaayiyoo
inuu qurux leeyahayiyo
adaa qaliyeey ku wacan

qudhayda adaa hantee
adaa qabyo tiro hankoo
xurmeeyey jacayliyoo
adaa qalbigii hadhsada

wanaagu hadaa qof yahay
qudhaadu noqon lahaa
weynaa isku keen qore
nolosha dhinaacaga qabo

Exit mobile version