Hubka ay dudmada joogto
Isku haynta danaheena
Diridiyo is maageenu
Dambi maaha malaha murankeenu

Kala duruga labadeena
Daacadbaabay moodaane
Kuwa raba dayawgeenu
Maba oga oga oga
Maba oga dareenkeena

Waxaan kaaga duwanaado
In duruufi keenayso
Ana fikirku darafkaaga
Kula yahay si dacalkaaga
Dirirbay u haystaane
Waa dabar jacaylkoodu
Isku xidha damiirkooda
Yaa yidhaa waa diidan

Inaan nahay laftiyo diirka
Isku tolan dushiyo muuqa
Gudahana iskaga duuban
Gudahana iskaga duuban
Dabcan yaa yaa
Dabcan yaa u geysiiya
In nallkaasi inoo daaran
In ku damaynin heedhe buuqooga
Dadka yaa dhab ugu sheega
Dadka yaa dhab ugu sheega
Fahansiiya fahansiiya doodeena

Exit mobile version