VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Inaan ku ag joogo - Lyrics

ayaantii qudhee alle keeno ababshay aragaaga uxiisay jeclastay inaan ku ag joogo ladi waayay inataad iga dheertay cidlooday dartaa u ilmeeyay si kastoo is idhaa u adkayso ku cugtoo adkaan kari waayay ku astaystay quluubta kusiiyay i daryeeshay i deeqday ku doortay ii ahaatay naftayda nafteedii taan darteedba aduunka ujoogo wehelkayga aduunka ahaatay ka dareemay naruuro agtaada istareexay nastoo noloshayda u ahaatay intii ka dhimnaydba ku ishaartay anaa ku ishaartay kugu doortay intaan dumar dheertay kolna maanku aduu kaa ahaane ka ogow niyadayda wax yeelo ku ishaartay anaa ku ishaartay kuu hibeeyay naftayda adaa leh kolna maanku adaan ka ahaane ka ogow niyadayda wax yeelo
Queue is empty
-- / --