VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kugu soo saaray maanka - Lyrics

Kugu sooray maankayga Kuna seexshay laabtayda Sadrigiyo halkaa beerka Ku sawiray jacaylkeena Saadaasha guurkeena Kalgacaylka seeskiisa Xubiga samaysmaaya Ku sifeeyay kulankeena Waa maalin sooryaysan Boqranoo la sii sheegay Subaxaa arooskeenu Waa sabaaxal khayraade Kaa dhawray seegseega Sahwigiyo is maan dhaafka Sida boqorka kuu dhawray Kuna sudhay xiskiyo maanka Sifahiyo jacaylkeena Ubaxeena sahankiisa Sida aan u beerayno Ku sifeeyay kulankeena
Queue is empty
-- / --