Dalka hooyo haybadiisa kaalay daawo
Oo ku doogso qurixdiisa daawashada
Oo dadkaygow ha ku daalin dibad joogee
Dalka hooyo haybadiisa kaalay daawo

Beero daadsan dooxadeeda
Bal hargaysa sii dul joogso
Waa dahabe bal dakeeyo
Bal deeqda Daa'im siiyay
Huluuq daawo arabsiyo
Darka xidhan bustaan doora
Door gabilay deeq wajaale
Banka dooga kaalay daawo

Heey heey hoobeey hoobey hoobeey

Ha ka daalin dalxiiskaaga
Daasho daasho waa dalkaage
Saylac dooxo awdal daawo
Oo ku doogso bada daadsan
Dib u laabo dalxiiskaaga damaashaadka
Adoo daalac nafta doojay
Daawanaaya dul ka eega
Dawga liinta almis dooro
Dusha gacan dawga sheekha
Adoo deexday golis dookha
Silsiladan dahabka burco
sii dag beerna daawo

Dalxiiska batalaale ku dabaalo
Inta aanad xaga daw u dabqaadin
Taariikhda duugan laas geel dacal taal
Isha daarsoo awga dugso

Dalka dooga saaran daawo
Dagaariyo dayixiyo
dusha maydh iyo xiis
Halkay doorka shinbiruhu
Dalxiiskooga ay ku deehdaan
Ramashka usoo dareenoo
Waa dalkaagee daalo kaalay
Soonla daawo waa dalkaage

Exit mobile version