Caashaqa ma baran wali
mana beeninaayee
kuu bogaye inanyahow
sidii meel bugtiyo gacan x2

Lagu kala bariiyaa
sida barashaydaynii
baari taad unoqoataa
baraadli u seexdaa

haduu yahey bar kuma taal
abwaan uma balweeyeen
ma boqreen Hadraawibaa
beerlula ma sheegeen

Caashaqu balo iyo kheyr
midkuu doono hay bado
kuu bogey inanyahow
sidee bilis xishootaa

Runta uga badheedhaa
sida barashaydaynii
baari taad u noqota
baraadli u seexdaa

haduu yahey bar kuma taal
abwaan uma balweeyeen
ma boqreen hadraawibaa
beerlula ma sheegeen

Exit mobile version