kashan aad i dhilateedhay kugu yidhi
haday haka dhixindhib kugu tahay
naftan aad dhibsatee dhib kula fudud
dhalil ha uga tudhin dhag kuu nugul
qalbiga kugu dhagay dhab kuu jecel
hadalka wax u dhimee dheh kuu hadhay
adaan dhugan waxaan dhul kuumaray
dhantaalay noloshaan dhiskaa rabay
laabtaan kugu dhigay dhib kula maqan
dharaarba qof dhan bal kala soco ee
dhaxanta axdigaan dhar kaga daday
ubaxyuu dhaxalagala dhir uga jiray
haduu dhamac kulul dhexda u galay
maxaan u dhaafiyee dhib ugu mudan
dhalaan siduu yahay dhab ugu sidan
dhaqaaq wadnuhuu dhug ii odhan

Exit mobile version