Aduunyadu sideedaba haa
Waligeed sinaan ma leh haa
Dhawr saniyo dheeraad haa
Qofkii aad sugaysay haa
Adigoo filayn subaxaa haa
Siyar ma isku aragteen haa
Farxad ma isasoo taray haa

Suuban baa la guursaday haa
Waan siisan waayay haa
Sababteeda awgeed haa
Waan seexan waayay haa
Silic iyo dhib baan maray haa
Balse waan ku saamaxay haa

Miduu calaf i siiyay haa
Ruux samaan u dhalatay haa
Saranseer imaad badin haa
Sikin cadho imaad galin haa
Sadrigaan qof mooyee haa
Laba jacayl u sidi karin haa
Sidaas aawadeed buu haa
Muran iyo safaad dhacay haa
Ana kumaam sasabin haa
Sory kala tageenii haa
Sory kumaan fureene haa

Saxalkii samaa xigay haa
Saadaashii baa timi haa
Waa jawi sareedadu haa
Iyo saacad qaaliya haa
Waxaan siistabaan jirin haa
Farxadayda saakaba haa

Isaseegii nagu dhacay haa
Wakhtigaa ka saaciday haa
Suurawday noloshii haa
Sanadooyin rajadii haa
Sidaad imika socotay haa
Rabi ma igu kaa simay haa

Exit mobile version