garan maayo gabdha ugu gobsan
oo gabi dhamaystiran uga loode
garadkeeda inan kale caysan gaadhayno
gubtida hagoogan u garwaaqsaday

aragsan naaxsan guubsan
gacanta anigu dhiibay
agagaarkan waaban ka raadsho
astaanteedu waa mid gaariya

gurxanka hoyga gurxan
gurxanka dhaca iyo guclayntaba
guri waanagsanba lagu gambiya
nuxurna looga dhigaa
gurina loo dhisaa

dayni wayo inanta u garaabayo
o garab dhamaanted u deeqay
garashada guula u siiyayday
bilad hagaagsan ugu hiiliye

asluub badan axsan guubay
garaadan aniguba siiyay
amaantana waaban ku raaco
udgoonkeeduna wa mid gaariya

Exit mobile version