intaa dhedig nool ba
ku dhaafsnai waayey
dhigaaga aduunka qof
kuu dhigmay waayey
markaad dhinac joogto
naftaaba dhamaysa
hadaad se dhaqaaqdo
qaybaa idhantaalan
adaa idhagaysta
hi dhowrta idoolsha
adaa idhisaayaa
idhiibsha idiirsha
inaan dhisno qoysna
xaqiiq udhaqaaqay
dhawaan meherkeenu
ma dheera aroosku
inaan ka dhabayno
anaa u dhafraayaa
dhawaan meherkeenu
ma dheera aroosku

inaan kugu dhato
dhamaanba dadkaa og
inaad igu dheertay
ilaa dunidaa ogee
eegmada dhabankaaga
dhaayahan kaba daalin
dhagayso codkagaaga
dhegehaan dhibsanaynin
laftaa dhabarkaygu
macaan adi weeyee
halkaan ka dhaqaaqo
macaan adi weeye
inaan dhisno qoysna
xaqiiq udhaqaaqay
dhawaan meherkeenu
ma dheera aroosku
inaan ka dhabayno
anaa udhafraayaaa
dhawaan meherkeenu
ma dheera aroosku

Exit mobile version