Qawl baxay la moodyeey
Xubnahaaga qoran iyo
Labadaada qaarbaan
Qalbigaygu raacee
Anigoo qab waynoo
Quudhsada haweenka
Qoraxyahay gudaysaa
Maankayga qaadee
Qawlka aan la yeedhaba
Diintiyo quraankiyo
Quruxdaada mooyee
Qofna kuma amaanee
Tuhuniyo qilaaf iyo
Qaxarbuu dhalaayoo
Bal qabsoo hinaasaha
Waa laguu qafiifaa