qofaad u jeclayd si dhaba
dhib iyo dheef qaybsateen
dhankiisa hadii aad waydo
waxaa kugu dhaca nugayl
waxaan dhayal suuragalin
dharaaraha kabashadee
nafyahay soo dhabar adaygtay
dhaaxuu kuu hayee cishqigu
haduu maruun kaa dhamaaday
ku dhaaf xiligi adkaayee
heedhe aado huuno
kasoo kabo dib u dhiciisii
halkuu dhaawacay jacaylku
intaad waday dhaymihiisa
dhaqaaq qayrkaa dhaqmee
inbaa dhab iyo dayaxaa dagee
dhaqsoo gaadhsiina dhaaf
dheeree ha isu dhiibin nacab
nafyahay soo dhabar adaygtay
dhaaxuu ku hayee cishqigu
haduu maraan kaa dhamaaday
ku dhaaf xiligi adkaayee
heedhe heedhe
kasoo kabo dib u dhiciiisii