Farxada adigoo talaalay
Kalgacalkana taakuleeyay
Waataan hani taash ku saaray
Intaan kaligaa ku taamay
Hadana noloshaan tusmaynay
Adaa meel daran ka tuuray
Caashaqa adigaa tabceeyay
Samaha adigaa takooray
Jacaylkeenii tarxiilay
Wanaaga adigaa tilmaamay
Xurmada adigaa tibaaxay
Taarkana ii soo dagaayay
Intaan heer tiigsanaayay
Taladaan kaligeen qorshaynay
Tirada adigaa ka saaray