Kalgacayl gob weeyoo
Gaadada ku hayoo
Ayuu nacabku kaa garan
Garanee

Nafta gabi ahaan teed
Gaadh sii warkaygoo
Qalbigaaga ii godol
Godolee

Muxibaduu ha gaadhee
Naxariis hagalisee
Inaan gooni ku ahay

Gacalooy walaaleey
Geeridu xaq weeye
Ilagaro jacaylkoo
Ayaan layna kala goyn

Adna gacaladaydaay
Gami maayo jeeraan
Gogol kugula seexdo ee
Seexdo ee

Goortuu isoo riday
Garayskaga haw furin
Ruuxaan ku goyn karin
Karinee

Soo godol jacaylkoo
Garashada xasuusoo
Caashaqan ha gaagixin

Gacalooy walaaleey
Geeridu xaq weeye
Ila garo jacaylkoo
Ayaan layna kala goyn

Exit mobile version