Heesta Gacal baanu nahay - Lyrics
aduunyadu waa gabagabe
maahmaah guuna ahayd
gar waa loo islaame
soomaalay geesi maaha
xaqiiqada ninkii
god dheer ku rida
bulshada ku gafoo handada
enteenan gobad ka gala
guule ha inaga qabtee
cadhaaliyo dulnima
ku hagoogan kaa
waxaa uga goleeyahay
gilgilka koonfur ku dhacay
soomalina wada gambiyay
gariirkiyo qaraxa dhacaya
godol dadkii ku samray
godooniyo geeri u galay
anigu runta kama gabanaye
garkiyo shiirka i damqanaye
dadkaa gacal baynu nahay
gundhiga murtida heestu
iyo codkan aan ganbinayaba
waa gamaan godob reeb
geel iyo fardaba lehe
somaalay iga gudoona
ala galada eeba baxshoo
garaadku waxbuu hagaaye
gob weeyan reer muqdisho