markaad kugu dhawaadaa
dhibaatadu i daysaaa
markaad iga dhaqaaqda
wadnaha la i dhufanaya

waxa aan la dhuubtee
dadkii iga dhexsaaray
kaligay i dhigay meel
dhabtii caashaq weeyee

dhibaatada taal aduunka
horeba looga dheefi waaye
intaan la ina kala dhantaalin
waayuhu ina kala dhirbaaxin
aniga caashaqu i dhuuxin
ii noqo dhakhtarkii jacaylka

sida dhibica roobkiyo
cadceed dhalatay waabari
dheehaagu inanyahay
dhulka uu ifanayaa

jeer aanay dhaayuhu
dhudiyeey ku qabanayn
xiliyada dharaaraha
socodkoodu dheeraa

Exit mobile version